Hay’adda Badbaadada Duulista Hawada ee Yurub waxay ka hawlgashaa Midowga Yurub iyo Khaliijka Carabta, waxayna mas’uul ka tahay bixinta shatiyada dayactirka duulista ee la siiyo injineerada, farsamayaqaannada, shirkadaha, iyo xarumaha tababarka. Sidoo kale, waxay awood u leedahay inay kala noqoto shatiyada duuliyayaasha ku xadgudba shuruucda iyo xeerarka badbaadada ee ay dejisay hay’addu.
Waa maxay Shatiga EASA 66?
Shatiga EASA 66 waa shatiga ugu awoodda badan ee dayactirka diyaaradaha, kaas oo u oggolaanaya qofka haysta inuu xaqiijiyo (certify) shaqada dayactirka ee lagu sameeyay diyaaradaha shirkadaha Midowga Yurub ama waddamada xiriirka la leh EASA, isagoo markaas diyaaradda dib ugu soo celinaya adeegga (return to service).
Maxay muhiim u tahay?
Awoodda Saxiixa: Waxay farsamayaqaanka siinaysaa xuquuq sharci ah oo uu ku ansixiyo in diyaaradu badbaado tahay.
Aqoonsi Caalami ah: Waxaa laga aqoonsan yahay guud ahaan qaaradda Yurub iyo wadamo badan oo ka baxsan.
Heerka Badbaadada: Waxay hubisaa in dayactir walba loo sameeyay si waafaqsan xeerarka ugu adag ee badbaadada duulista hawada.
Farqiga u dhexeeya EASA Part 66, Part 145, iyo Part 147
EASA PART 66
Shatigani wuxuu gaar u yahay shaqsiga ka shaqeeya technical-ka iyo injineernimada ee dhinaca dayactirka diyaaradaha. Waa aqoonsiga cadeynaya in qofku leeyahay aqoontii iyo khibraddii uu ku qaban lahaa shaqada.
EASA PART 145
Shatigani waa oggolaansho la siiyo ururada iyo shirkadaha dayactirka si ay u qabtaan shaqooyinka dayactirka ee diyaaradaha iyo qaybahooda (components). Waa xeerka lagu maamulo goobaha shaqada.
EASA PART 147
Shatigani waa mid loogu talagalay ururada iyo dugsiyada loo xilsaaray inay tababaraan injineerada dayactirka, isla markaana u aqoonsada inay u qalmaan helitaanka shatiga EASA Part 66.
Waa maxay farqiga u dhexeeya shatiga EASA iyo FAA?
Shatiga EASA: Waa shati u oggolaanaya qofka haysta inuu dayactir ku sameeyo diyaaradaha laga leeyahay Midowga Yurub, ama shirkadaha iyo waddamada xubinta ka ah ururka EASA.
Shatiga FAA: Waa shati u oggolaanaya qofka haysta inuu dayactir ku sameeyo diyaaradaha hoos taga Maamulka Duulista Federaalka (Federal Aviation Administration) ee dalka Mareykanka.
Waa maxay farqiga u dhexeeya shatiga EASA iyo ICAO?
Shatiga EASA
Waa shati u oggolaanaya qofka haysta inuu dayactir ku sameeyo diyaaradaha laga leeyahay Midowga Yurub, ama shirkadaha iyo waddamada xiriirka la leh ururka EASA.
Shatiga ICAO
Waa shati u oggolaanaya qofka haysta inuu dayactir ku sameeyo diyaaradaha inta badan wasaaradaha duulista rayidka ah ee caalamka, marka laga reebo wasaaradaha duulista ee Mareykanka (FAA) iyo kuwa Midowga Yurub (EASA).
ICAO Waxay dejisaa halbeegga caalamiga ah, waxaana inta badan shatiyadan bixiya waddamada maxalliga ah iyagoo raacaya xeerarka ICAO (sida dalalka Carabta ama Afrika). halka EASA waxay xoogga saartaa nidaamka iyo shuruucda qaaradda Yurub.
Shatiga ICAO inta badan waa in loo beddelo shatiga waddanka gaarka ah ee aad ka shaqaynayso, halka EASA si toos ah looga aqoonsan yahay dalal badan.
Waa maxay qaybaha SHATIGA EASA Part 66?
Qaybaha Shatiga Dayactirka Diyaaradaha waa kuwan:
A – Makaanigga Shahaadaysan ee Dayactirka Khadka (Line Maintenance).
B1 – Farsamayaqaanka Shahaadaysan ee Dayactirka – Dhinaca Makaanikada (Mechanical).
B2 – Farsamayaqaanka Shahaadaysan ee Dayactirka – Dhinaca Elektaroonigga Diyaaradda (Avionic).

C – Injineerka Shahaadaysan ee Dayactirka Saldhigga (Base Maintenance).
Sidoo kale, qaybaha A iyo B1 ee shatiga dayactirka diyaaradaha waxay u sii qaybsamaan qaybo hoose oo la xiriira noocyada diyaaradaha, helikobtarrada, iyo matoorrada (marawaxad ama bistoolad) sida soo socota:
A1 iyo B1.1: Diyaaradaha Matoorka Marawaxadda leh (Aeroplanes Turbine).
A2 iyo B1.2: Diyaaradaha Matoorka bistoonka leh (Aeroplanes Piston).
A3 iyo B1.3: Helikobtarrada Matoorka Marawaxadda leh (Helicopters Turbine).
A4 iyo B1.4: Helikobtarrada Matoorka Bistooladda leh (Helicopters Piston).
Somaliaviators waxay bixisaa Tababarka Asaasiga ah (Basic Training) ee qaybaha B1.1, B1.3, iyo B2.

Fahamka Erayada Muhiimka ah
- Line Maintenance: Dayactirka lagu sameeyo diyaaradda inta ay garoonka joogto ka hor intaysan duulin.
- Base Maintenance: Dayactir weyn oo lagu sameeyo diyaaradda dhexdeeda (hangar-ka).
- Avionics: Nidaamyada korontada, xiriirka, iyo hageyaasha diyaaradda.
Sideed ku noqon kartaa Injineer Dayactirka Diyaaradaha oo haysta shatiga EASA Part 66?
Waxaa jira saddex shuruudood oo waaweyn oo ay tahay inaad buuxiso ka hor intaadan helin shatiga aasaasiga ah ee Part 66, kuwaas oo kala ah:
Experience Logbook: (ama mararka qaar loo yaqaanno Worksheet) waa buug ama diiwaan muhiim u ah injineerka diyaaradaha, kaas oo loogu talagalay in lagu qoro dhammaan shaqooyinka gacanta ah (practical tasks) ee uu qabto inta uu ku jiro tababarka ama shaqada. Logbook-gu wuxuu caddayn u yahay in injineerku uu si dhab ah u qabtay shaqooyinkii looga baahnaa. Maadaama shatiga EASA Part 66 uusan ku xirnayn kaliya imtixaan qoraal ah, logbook-gu wuxuu muujinayaa inaad leedahay khibrad farsamo oo ku filan.
Da’da: Da’da ugu yar ee lagu qaadan karo shatiga Part 66 waa 18 sano, laakiin si aad u bixiso saxiixa rasmiga ah ee diyaaradda (certify), waa inaad jirtaa ugu yaraan 21 sano.
Imtixaannada theory-ga: (Theoretical Exams): Waa inaad ku baasid dhammaan imtixaannada aragtida ah, kuwaas oo laga qaado xarun ay ansixisay hay’adda Part-147 ama xarun imtixaan oo ay aqoonsan tahay hay’ad awood u leh. Tirada imtixaannadu waxay ku xiran tahay modules-ka looga baahan yahay qaybta (category) aad codsanayso.

